Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Tareedisho.

Ugu yaraan illaa 4 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaas oo isugu jiray sarkaal ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Indho-Ceel, labo askari oo ilaalo u aheyd iyo qof shacab ah, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.