AKHRISO:- Shacab lagu dilay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa goordhow ku dhowaad 9 ruux oo shacab ah ku dishay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dadka la dilay ayaa la sheegay inay ka shaqeynayeen howlo nadaafadeed oo ay si iskood ah isu xilqaameen, waxayna qashinka ka uruurinayeen wadada Xaawa Cabdi, halkaas oo ah goobta loogu tagay.

Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in rag uu ku sheegay Shabaab ay dileen Lix Dumar ah iyo Saddex Rag ah, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii ku howlanaa arrimaha nadaafada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Kooxdii hubeysneyd ay hore u sii kaxeysteen laba Dumar ah oo hoggaanka u heysay howlaha deegaanka ka socday, kuwaasoo aan la garaneynin halka ay la’aadeen.

Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan dad ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaasta, xaaladooda Caafimaadna loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkii hore dhagax dhigay dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay dhiseyso Shirkad Turki ah, iyadoo mashruucaasna ay maalgalineyso dowladda Qatar oo taageero dhow siisa dowladda Soomaaliya.

Si kastaba wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ka dhaca weeraro iyo qaraxyo miino oo ay sheegato mas’uuliyadooda Kooxda Al-Shabaab.