DHAGEYSO:-Digniin adag oo loo direy Gaadiidka Taarikada la,aanta ku socdaala wadooyinka Kismaayo

0

Taliyaha laanta ilaalada nabad galyada wadooyinka magaalada Kismaayo Gaanshaalle dhexe Bashiir Xiis Khaliif ayaa digniin dhanka sharciga gaadiidka ah ka soo saarey Gaadiidka Taariko la,aanta ah ee adeegsada wadooyinka magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa digniin adag u direy dadka sida sharci darada ah ku wata Baabuurta aan Taarikada lahayn,waxa uuna ugu baaqay in cid kasta oo sidaasi ku dhaqanta ay ka tanaasusho inta sharciga la horkeenin.

Taliyaha ayaa dhanka kale u digay dadka Taarikada gaadiidka horay u goostay  ee aan u xiran gawaarida ismarkaana iska dhigta guryaha waxaana uu ugu baaqay inay sharciga u hogaansamaan.