AKHRISO:- Madaxweynayaasha Turkiga iyo Maraykanka oo ka wada hadlay xaaladda Suuriya

0

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka wada hadlay qorshaha ay xukuumadda Washington Ciidamadeeda kaga saareysa Suuriya.

Labada hoggaamiye oo Khadka Taleefonka ku wada xiriiray ayaa isku raacay in dib u soo celinta Ciidamada Maraykanka ee Suuriya ay tahay ay muhiim u tahay danaha Labada dhinac,

Waxanay si wada jir ah ugu nuux-nuuxsadeen baahida loo qabo in la taageero geeddi-socodka siyaasadeed ee Waddanka ay dagaallada naafeeyeen ee Suuriya.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku raacay in ay si wada jir ah ula dagaallamaan dhammaan kooxaha argagixisada, sida laga soo xigtay ilo Madax-bannaan oo ku dhow Xafiiska Madaxweyne Erdogan.