AKHRISO:- Kenya oo Xabsiga dhigtay Dhalinyaro Soomaali ah & cabasho ka timid

0

Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran Xabsi ku yaalla Magalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa xilligaan waxa ay muujinayaan cabasho ay ka qabaan duruufo adag oo ka jira Gudaha Xabsigaas.

Maxaabiistaas oo u badan Dhalinyaro ayaa waxa ay sheegeen in qaarkood ay gudaha Xabsiga ku xanuunsadeen,isla markaana mudo bil ka badan ku xiran yihiin,iyada oo weli maxkamada aysan xukumin.

Iyaga oo la hadlayay mid ka mid ah tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa waxa ay sheegeen in ay u baahan yihiin daryeel caafimad iyo in si deg deg ah looga saaro Xabsiga ay ku jiraan loona celiyo dalkooda Soomaaliya.

Sarkaalka ugu sareeya saldhiga booliska magaalada Garissa ayaa xaqiijiyay in safaarada soomaaliya ee Nairobi u gudbiyeen arintaan si loo fududeeyo tasiilaadka lagu gaarsiin lahaa dhalinyaradaas dalkooda hooyo ee Soomaaliya

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa laga soo xiray Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya,xilli ay doonayeen inay u gudbaan Magalada Nairobi,kadib feejignan amni oo ay qabaan Ciidamada Booliska Kenya.