SAWIRRO:-Galmudug oo Qabatay Hub Loo Waday Kooxda Al-shabaab

0

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA),qeybtooda Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Gaari Homey oo ay saarnaayeen hub la sheegay in Shabaab loo waday.

Hubkaan ayaa isugu jirey rasaas, garneeladda Garbaha laga rido, iyo Boosash-ka rasaasta lagu shubo.

Gaariga ayaa lagu qabtay Kontorool Ciidamadda ay ku leeyihiin Duleedka Magaaladda Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Galmudug.

Saraakiil ka Tirsan Nabadd Sugidda Galmudug ayaa sheegay In gaariga uu ka yimid dhanka Gobolka Bari Puntland,islaarkaana uu u socday dhanka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle.

Sidoo kale Saraakiisha waxa ay sheegeen in Baaris lagu sameyn doono Hubka,islamarkaan saxaafadda loosoo gudbin doono.