Ciidamada DFS oo weerar qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Baladul-amiin ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda oo garab ka heleya saaxiibada taageera ayaa weerar qorsheysan waxay ku qaadeen deegaankaas.

Ciidamada Kumaandooska Dowladda iyo kuwa mareykanka ah ayaa la sheegay inay labo Diyaaradood ay ku tageen deegaanka, iyaga kadib weerar dhanka dhulka ay ku qaaday Saldhigyada Maleeshiyaadka Al Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi.

Sarakiil ka tirsan kuwo Howlgalka fuliyey ayaa sheegay in u jeedku ahaa sidii loo burburin lahaa xarumaha Maleeshiyaadka Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Baladul-amiin.

dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin in Al-Shabaab khasaare lagu gaarsiiyay, loogana dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan argaggixisada Alshabaab.