Akhriso:-Darawal Mooto Bajaajle Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

War Goordhow naga soo gaaray Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dilkan uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir,isl markaana uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Isbitaal Banaadir ee ku yaalla Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa halkaasi ayaa gacanta ku dhigay Askarigii ka dambeeyay dilka Darawalka Mooto Bajaajleha ahaa