AKHRISO:- Maxaabiis Laga Soo Daayay Xabsiyo Ku Yaal Iiraan Oo Ku Soo Wajahan Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay manta ka soo laabtaan maxaabiis Soomaali ah kuwaas oo ku xirnaa xabsiyo ku yaal dalka Iiraan kadib wadahadal dhex maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda Iiraan sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay Soomaaliya.

Maxaabiistaan ayaa lagu wadaa in ay manta kasoo degaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,waxaana dhibaato ay ku heysatay xabsiyadaas ku yaal dalka Iiraan waxaana la sheegay in ay u badanyihiin dhalinyaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dalka dib ugu soo celisay maxaabiis Soomaali ahaa kuwaas oo ku kala xirnaa Xabsiyo kala duwan oo ku yaala dalal kala duwan oo caalamka ah sida Itoobiya Siishalis Hindiya iyo Liibiya meelo kale,iyada oo ay balan qaadeen in dalka lagu soo celinayo dhamaan Soomaalida ku xiran dalalka kala duwan ee caalamka.