AKHRISO:- Waqtiga Dib Loo Furi Doono Hotelkii Ay Al-Shabaab Weerareen Ee Dusit D2 Oo La Shaaciyay

0

Wargeyska The Star ayaa qoray in Hoteelkaasi dib loo furi doono bisha June ee sannadkan, kadib, markii ay Alshabaab weerar iyo qaraxyo ku ekeysiiyeen bishii la soo dhaafay ee Janaayo 15-da.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay 21 qof oo 6 ka mid ahaayeen Shaqaale iyo Ilaalo dhinaca Ammaanka ee Hoteelka Dusit D2.

Maareeyaha Guud ee Hoteelkaasi, Misheel Metakas waxa uu maanta shaaciyey inay u diyaar garoobeen sidii Hotelka uu mar kale u qaabili lahaa Macaamiisha iyo Martida kale, loona adkeyn lahaa Ammaankiisa.

Dagaalamayaal; ka tirsan Alshabaab ayaa sheegay inay u weerareen Hoteelkaasi, si ay uga fal-celiyaan go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ku shaaciyey inay magaalladda Quddus-ta La-haysto tahay Caasimadda Yuhuudda.

Dhinaca kale, Kooxda Sirdoonka ee SITE ee ku caan baxday inay taxliiliyaan Dhaqdhaqaaqyadda Kooxaha Islaamiyiinta waxay sheegeen in ay Alshabaab faahfaahinta weerarkaasi soo mariyeen Warbaahintooda Dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta.

Kooxda SITE oo fadhigeeda Dhexe ku yaallo dalka Maraykanka waxay sheegtay in Hoggaamiyaha Ururka Alqaacida, Ayman Al-zawaahiri bixiyey Amarka lagu weeraray Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, waa sida ay hadalka u dhigeen.