AKHRISO:- Amar Kasoo Baxay Eng Yariisow Oo Maanta Ka Dhaqan Galay Muqdisho

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’adaha ku hawllan dib u soo celinta dhulalka Danta Guud.

Eng.Yarisow oo dul istaagay waddada halbowlaha ah ee isku xirta Isbitaalka Keysanay iyo qeybaha kale ee degmada Kaaraan ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la furo waddadan, lagana banneeyo dhismayaashii sharci darrada ahaa.

Waaxda Howlaha Guud iyo Maamulka Degmada Kaaraan ayaa iyagoo fulinaya amarkii Duqa Muqdisho waxay burburiyeen dhismeyaal si sharci darro ah looga dhistay waddada Isbitaalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay salka ku hayso cabasho ay soo gudbiyeen waxgaradka deegaanka iyo Maamulka Isbitaalka Keysanay, taas oo ku saabsanayd in gaadiidka sida bukaanada iyo gurmadka deg degga ah ay ka xireen dhismeyaashaasi waddadii halbowlaha u ahayd Isbitaalka.

Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ayaa bulshada Caasimadda ku dhiirri geliyey in ay u midoobaan ilaalinta iyo daryeelka goobaha Danta Guud, maadaama ay muhiim u tahay nolasha bulshada iyo bilicda Caasimadda.