AKHRISO:- Maxkamad Laashay Racfaan Uu Qaatay Muwaadin Soomaali Loo Heysto Al-Shabaabnimo

0

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Ontaariyo ee dalka Kanada ayaa shaacisay inay laashay Rafcaan uu soo qortay Maxamed Xasan Xersi oo 32-jir ah, kaasi oo horey loo xukumay xabsi 5 sanno ah.

Maxamed Xasan Xersi ayaa la sheegay inay la xiray bishii Maarso 29-dii ee sannadkii 2011-kii, xilligaasi oo ay Ciiddanka dalkaasi ka qabteen isago odoonayey inuu raaco Diyaarad duullimaadkeedu ahaa dalka Masar.

Dembi-baarayaasha Boliska dalkaasi waxay xilligaasi ku soo eedeeyeen inuu Masar kaga sii gudbo Somalia, si uu ugu biiro Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Ciiddan dhar cad oo is-qariyey ayaa la sheegay inay Maxamed Xasan Xersi kala sheekeysteen Dagaalka Kooxaha Islaamiyiinta, waxayna ka duubeen cod isagoo u sheegayey inuu doonayo inuu u socdaalo Masar, oo uu kaga sii gudbin doono somalia, si uu uga mid noqdo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay Dembi-baarayaashu Kanada sheegeen.

Garsoore ayaa waxa uu Maxamed Xasan Xersi ku xukumay xabsi 10 sanno ah, iyadoo lagu amray inusuan wax rafcaan ah qaadan karin ilaa uu soo dhamaysto kala-bar xukunka lagu riday.