SAWIRRO:-Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika Oo Maanta La Soo Geba-Gabeynayo

0

Kulan-madaxeedka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa la filayaa in maanta lagu so ogebagebeeyo Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Furitaankii shalay ee Kulankaasi waxaa Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Al-siisii loo doortay Hoggaaminta Sannadlaha ee Ururkaasi, isagoo xilkaasi kala wareegay dhigiisa dalka Ruwanda, Paul Kigambe.

Madaxda Dowladaha Afrika waxay kulankii shalay kaga wada hadleen Arrimaha Ammaanka, Qaxootiga, Suuqa Xorta ee Afrika, Maalgashiga iyo Iskaashiga Guud ee dalalka  Afrika.

Madaxweynaha Masar o oka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay in Argagixisadda yihiin Kansar. Isla markaana ay doonayaan inay waxyeeleeyaan Afrika iyo inay wax kasta burburiyaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalke Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku baaqay inaan Kooxaha loogu yeero Argagixisdda marnaba loo oggolaanin inay deganaansho la’aan ka  abuuraan dal kasta oo ka tirsan Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Shirweynaha 32-aad ee Madaxda Afrika waxay kaga hadleen sidii loo aamusin lahaa dhamaan qoryaha yaalla Qaaradda Afrika marka la gaaro sannadka 2020-ka.