Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ee Ciidamada AMISOM ka baxayaan oo la shaaciyay

0

Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu soo wajahay walwal dhinaca ammaanka ah.

Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ay ka bixi doonaan degmooyinka Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanada ayaa muhiim u ah sugida amniga magaalada Jowhar iyo wadada xeebta ee ka baxda Muqdisho oo ammaankeeda ah mid la isku haleyn karo, iyadoo tan iyo markii Ciidamada AMISOM la wareegeen deegaanadaas aanay wax weerar ka dhicin.

Senator ka tirsan Aqalka Sare oo laga soo doorto Hirshabeelle ayaa sheegay in aanay xilligan munaasib aheyn ka bixitaanka AMISOM, isla markaana cabashada ka timid Maamulka Hirshabeelle ay u gudbin doonaan dowladda Federaalka.

Taliska AMISOM ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in 1,000 askari ka socda Burundi ka bixi doonaan Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorshaha dhimista Ciidamada AMISOM iyo u diyaar garowga ka bixitaanka sanadka 2021, si Ciidamada Soomaaliya ula wareegaan Amniga.