Wax ka baro:Taariikhda Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

0

Ciidaliyamada Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya waxay  ka midyihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaana la aasaasay 10-kii bishii febaraayo 1965kii, ciidanka xoogga dalka soomaaliya wuxuu ka kooban Afar tiir oo kala ah:- ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo ciidanka difaaca cirka.

Sanadkii 1963kii waxaa safar magaalada Moosko dalkii hore ee Midowga Soofiyeeti ku tagay ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay xukuumaddii rayidka ahayd ee Soomaaliya Dr.C/rashiid Cali Sharmaarke iyo taliyihii ugu horeeyay ciidamada qalabka sida ee soomaaliya Gen. Daauud C/lle Xirsi waxayna heshiisyo la soo galeen daowladii  Midowga Soofiyeeti.

Heshiiskaa oo ay ka mid ahaayeen in ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya la siiyo qalab milatari oo dhanka Badda ah sida maraakiibta dagaalka,muddo yar kadibna Ciidamada Badda waxaa si rasmi ah loo hoos geeyay wasaarada gaashaandhigga xilligaasoo tiradoodu ay gaareysay 40-askari oo isugu jiray Saraakiil ,S/xigeen iyo Dabley,tiradaasi yar ee ciidanka Badda Soomaliya lagu aasaasay ayaa waqti gaaban kadib isku bedelay Ciidamo tiro iyo tayo ahaanba lagu aamini karay ilaalinta Xeebta dheer  ee Soomaaliya.

Bishii febaraayo sanadkii 1965kii dowlada Midowgii Soofiyeeti waxa ay fulisay heshiiskii ay la gashay dowladda soomaaliya waxayna ku wareejisay ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya maraakiibtii ugu horaysay ee ciidanku ku howlgalay,maalintaasi  ayaa loo aqoonsaday maalinta ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha  jamhuuriyada Soomaaliya.

Ciidamada Badda ee soomaaliya waxaa tababarada iyo saanadaha melatari ay ka heli jireen Dowladii Midowga Soofiyeeti, mudo sanad ka yar kadibna waxaa ciidanka Badda gacantooda ku jiray ilaa iyo lix markab waxayna ciidanka Badda isugu jireen Difaaca xeebaha Baro ilaalo oo xeebaha ku teedsanaa ama ku tixnaa iyo ciidamo markii loo baahdo ka dagaalami karay dhulka.

Sanadkii 1977kii ciidamada Badda ee Soomaaliya waxa ay lahaayeen 20-markab,10 urur oo Commandos ah oo badda iyo berigaba ka dagaalama 15-bar oo xeebaha ku tixnaa, iskuul lagu barto Culuumta badaha oo ay ka soo baxaan ciidanka Badda oo ku yaallay magaalada Baraawe.

Waxaa ka loo jiray seddex iskuul oo lagu barto farsamada oo ka dhisnaa magaalooyinka Muqdisho Kismaayo iyo Baraawe.

Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxaa soo  hoggaamiyay Taliyayaal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Khaliif Macoow Col- Cali Xaashi Barre Admiral Maxamed Cumar Cismaan Admiral Saciid C/lla Cumar (Saciid Mariino) Admiral Faarax Qare Admiral Madeey Nuuroow Shiikh Ufuroow.

Ciidamada Badda iyo difaaca xeebaha ee soomaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanaya bur-burkii dhamaan saameeyay dalka, waxayna iminka ku howlgalaan Doonyo dheereeya, kuwaa oo sameeya sahan,  kana dagaal geli kara meelaha dhow dhow,  waxayna fuliyaan  waajibaadka sida ilaalinta dekadaha iyo biyaha dhow, inkastoo ciidamada Baddu hadda jira aysan lahayn tayadii hore, hadana waxay dadaal ugu jiraan sidii ay awoodooda kor ugu qaadi lahaayeen si Badda Soomaaliya looga ilaaliyo baylahada.

Mudnaanta ay leedahay maalintaan qiimaha leh ee sanadguuradii 54aad ee Ciidamadda Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed  awgeed ayaa waxaa hambalyo u diray saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Aliflayda, dablayda ciidamada Badda iyo Xaasaskooda Madaxwaynaha J.F.S  Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha B.F.S Max’ed Mursal Shiikh C/raxaam, Ra’iisalwasaaraha X.F.S Xasan Cali Khayre iyo  madax kale, dhamman masuuliyiintaan waxay u rajeeyeen Ciidamada Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed inay sanadguuradaan teeda kale  ku gaaraan horumar iyo in ay ku guulaystaan waajibaadka qaran ay dalkooda  iyo dadkooda u hayaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Badda ugu Hambalyeeyay Xuska 54 Aad ee Aas Aaskooda oo Beri ku beegan

Dhanka kaleTaliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi Indhaqarhse  ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya Sanad guurada 54-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.

“Waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beegan” ayuu yiri Sarreeye gaas Daahir Aadan  Cilmi Indhaqarshe

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kii,