SAWIRO:- Gadiid lagu gubay gobalka shabeelaha Hoose

0

Wararka aan ka heleyno deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi shalay gelinkii dambe lagu gubay Gaadiid xamuul ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaadiidka la gubay ay ahaayeen nooca xamuulka qaado ah,isla markaana siday dhuxul,kuwaasi oo ka yimid dhinaca degmada Wala-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in toogasho lagu dilay 3 qof,kuwaasi oo gaadiidka la gubay saarnaa,waxaana kamid ahaa Darawal waday mid kamid ah gaadiidkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in falka lagu gubay gaadiidka siday dhuxusha ay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.