Askar Itoobiyaan ah oo ku dhimatay shil Diyaaradeed

0

Ugu yaraan Saddex Askari ayaa ku geeriyootay 10 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, markii ay bur-burtay Diyaarad Helikobtar ah oo ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada midoobay ee Koofurta Suudaan.

Diyaaraddan ayaa ku bur-burtay Saldhig ay Ciidamadu ku leeyihiin Gobolka Abyey oo dhaca xadka kala qeybiya ,Koofur Sudaan, Suudaanta Waqooyi, iyo Itoobiya, xilli ay Ciidamo kasoo daabuleysay degaanka Kadugli ee Dalka Suudaan.

Lamana oga sababta keentay shilkan, balse taliye ku xigeenka howl-galka UNISFA, Maj. Gen. Gebre Adhana Woldezgu, oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay baarayaan.

War kasoo baxay howl-galka UNISFA, ayaa lagu sheegay in ay Diyaaraddu saarnaayeen 23 Qof, waxanay sheegeen in Saddex ka mid ah 10-ka Qof ee dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u liidato.

Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga 4,500 Askari, kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA eek u sugan Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey.

Suudaanta koofureen ayaa Sanaddii 2011-kii ka go’day Suudaan inteeda kale, waxaana Gobolka Abyey oo ah xadka Labada Dal ka billoowday dagaallo salka ku haya Saliidda oo u dhexeeya Dowladda Jubba iyo Malleeshiyaadka degaanka.