SAWIRRO:-Guddoomiyaha Aqalka sare oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Seoul

0

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi heer sare ah oo ka kala tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Golaha Xukuumadda ayaa waxay shir caalami ah uga qeyb galeen magaalada Seoul ee caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Nabadda Adduunka (world Peace Federation UPF),ayaa waxaa looga hadlayaa nabad galyada iyo horumarka adduunka.

Shirkan ayaa soconayaa 7-11 Febraayo 2019,waxaana ka soo qeyb galay wafuuf ka kala socotay 110 dal,waxaana si qoto dheer diirada loogu saarayaa sidii dadyawga adduunku ugu wada noolaan lahaayeen nabad galyo iyo horumar dhinac waliba ah, isla markaasna isaga kaashan lahaayeen ilaalinta arrimahaas kor ku xusan.