WARBIXIN: Maxaa ay isku hayaan Daacish iyo Al Shabaab?

0

Dalka Soomaaliya qeybo ka mid ah waxaa laga dareemayaa in uu ka socda loolan xoogan oo u dhaxeeya Xoogaga Ururada Al Shabaab iyo Kooxda Daacish.

Ururada Al Shabaab iyo Daacish ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyay siyaabo kala duwan ugu Dagaalamay Degaano ka tirsan Gobolka Bari oo hoostaga Maamulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan yeeshay Madaxweyne cusub, kaasi oo ballan qaaday in waxyaabo badan uu ka qaban doono dhibaatooyinka ka aloosan halkaasi.

Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish oo ku loolamaya Soomaaliya

Ururka Al Shabaab oo xiriir dhow laleh Xoogaga Al Qaacida, ayaa kordhiyay Weerarada ama beegsiga ka dhanka ah Kooxda Daacish oo haatan gacanta ku heyso qeybo ka mid ah Gobolka Bari ee Waqooyga Dalka Soomaaliya.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay qabsadeen labo goobood oo markii hore ay maamulayeen Kooxda Daacish.

Waxaa ay xuseen in Kooxda Daacish laga saaray Degaan lagu magacaabo Ceel Miraale oo ah bar biyood oo muhiim u aheyd.

Sidoo kale, Al Shabaab waxey hanteen Degaan kale oo lagu magacaabo Shaba boo dhanka Koonfureed uga beegan Magaalada Qandala ee Gobolka Bari.

Sawirka Waa Degmada Qandala ee Gobolka Bari

Sirdoonka ayaa sheegay in Kooxda Daacish ay isugu tageen dhanka Buuraha, halkaasi oo la aaminsan yahay in ay ku xoogan yihiin.

Taliyihii hore ee Sirdoonka ee Maamulka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen, ayaa shaaciyay in Maamulka Puntland uu kor kala socda khilaafka iyo Dagaalka ka dhaxeeya labada Kooxood.

Weerarkii Al Shabaab ee Bishii December

Xoogaga Al Shabaab ayaa bishii December weerar xoogan ku qaaday Xarun ay maamulaan Kooxda Daacish, kaasi oo ka dhashay Dagaal culus.

Xuseen ayaa tilmaamay in Al Shabaab markii hore looga guuleystay Dagaalka, balse todobaad kadib ay qabsadeen labo Degaan markii ay qaadeen Weerar kale oo jawaab ah.

Ururka Al Shabaab ayaa Weeraradaasi kadib isku ballaariyay sidoo kale Degaan lagu magacaabo Dhadaar oo ku yaalla isla Gobolka Bari, sida uu sheegay Xuseen.

Labada Kooxood oo si isku mid ah u canshuura Shacabka

Labadan Kooxood kaliya ma wada Dagaalamayaan, balse waxey ku loolamayaan dhaqaalaha laga uruuriyo Ganacsatada ku dhaqan Gobolka Bari ee Waqooyga Dalka Soomaaliya, sida lagu xusay Warbixin lagu daabacay bogga VOA

Markii hore Ururka Al Shabaab ayaa qaadi jiray dhaqaalaha balse, hada waxaa soo baxay Kooxda Daacish oo dooneysa dhaqaalo la mid ah midka Al Shabaab in ay ka uruuriso Ganacsida ku dhaqan Degaanada Maamulka Puntland.

Daacish oo qaadeysa talaabo la mid ah midda Al Shabaab, ayaa amaro ku soo rogtay Ganacsatada ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Kooxda Daacish ayaa sidoo kale in ka badan 10 ganacsade ku dishay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay diideen in ay u hogaansamaan amaradooda.

Balse, Xoogaga Al Shabaab ayaa caqabad soo korortay u arkay amarada Al Shabaab, taasi oo keentay in Al Shabaabku ku dhawaaqaan in ay burburin doonaan Kooxda Daacish.

Isagoo hadlayay go’aanada Kooxda Daacish bishii December, ayaa Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Dheere waxuu ku sifeeyay Kooxda Daacish ‘cudur’ ku soo kordhay Soomaaliya, islamarkaana uu faray Xoogaga Al Shabaab in ay beegsadeen Kooxda Daacish.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali oo ku tilmaamay Kooxda ‘Cudur’ ku soo kordhay Soomaaliya.

Khatarta Amni

Labadan Kooxood ayaa loo arkaa kuwa khatar ku ah xasiloonida amaanka guud ee Dalka Soomaaliya, sida lagu daabacay bogga VOA

Xuseen Sheekh Ali oo ahaa La-taliyihii hore ee Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xaalada ee haatan ka jirta ay tahay mid ay khatar gelinyaan labadan Kooxood.

Ururka Al Shabaab ayaa loo arkaa in ay yihiin kuwa Xoogan, balse Daacish ayaa sidoo kale dhankeeda muujineysa in aan laga adkaan karin, maadaama ay si geesinimo leh u qaadayaan Weeraro ka dhan ah Kooxda Al Shaaab.

Al Shabaab ayaa taageero kala duwan ku leh Degaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Bishii January, Kooxda Al Shabaab ayaa goob ay isugu yimaadeen boqolaal ruux, ku dishay 3 Ruux oo labo mid ah lagu sheegay Ajaaniib kuwaasi oo dhamaantood lagu eedeeyay in ay taageero u hayeen Kooxda Daacish.

Balse, Daacish ayaa beeniyay wararka ku aadan in raggaasi la toogtay ay ka mid ahaayeen Ururkooda.

Waxaa Al Shabaab sidoo kale ay toogasho ku dileen nin lagu magacaabi jiray Yahye Xaaji File, kaasi oo ku magac dheeraa Abu Zakariye, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Daacish.

Abu Zakariye ayaa hore uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab, balse markii dambe isaga baxay Ururkooda.

Shacabka oo qaati ka taagan labadan Kooxood

La-taliye Cali ayaa waxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato xoogan ku qabaan labadan Kooxood, balse uu yaran karo hadii Al Shabaab ay ka awood roonaadaan Daacish.

Dhibkan ayaa ku micneeyay in Shacabka aysan awoodin in labo Urur ay dhaqaalahooda siiyaan, maadaama intooda badan ay yihiin kuwa sabool ah oo aan waxba heysan.

Waxaa sidoo kale dhibaato marwaliba ay Shacabku ka soo gaartaan colaada labadan Kooxooda ku dhexmareysa Degaanada Maamulka Puntland, sida uu sheegay Cali.

Madaxda Maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in ay mas’uuliyad ka saran tahay difaacida Shacabka.

Duqeynmaha Mareykanka

Gobolada Dalka qaarkood waxaa Mareykanka uu ka fuliyaa Weeraro dhanka cirka oo lagu beegsado Kooxda Al Shabaab.

Mareykanka ayaa 9 Weerar oo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliyay Dalka Soomaaliya.

Mareykanka oo 9 Duqeyn oo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliyay Dalka Soomaaliya

Arbacadii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sheegay in 24 ka mid ahaa Al Shabaab ay ku dileen Weerar ka dhacay Degaanka Shabeley ee Gobolka Hiiraan.

Inkastoo ay socdaan duqeymaha hadana Al Shabaab waxey isku dayaan in ay muujiyaan awoodooda, ayna weeraro dhiig ku daata ay ku fuliyaan Caasimada Soomaaliya.

Kooxda Al Shabaab ayaa in ka badan 10 sanno Dagaal xoogan kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka hesha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Dowladdaha Beesha Caalamka.

 

Warbixintan waxaa Afka Soomaaliga ku turjumay AGGM