DHAGEYSO:- Puntland oo Beenisay Dagaal ka dhacay Degmada Boocame ee gobolka Sool

0

Xilli War-Baahinta Gudaha Qaarkood Ay Qoreen In Maanta Ciidamo Kawada Tirsan Kuwa Maamulka Puntland Ay Ku Dagaallameen Aagga Deegaanka Tuke-Raq Ee Gobolka Sool Gaar Ahaana Halka Lagu Magacaabo God Qaboobe Ayaa Arrinkaasi Waxaa Beeniyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland.

Xeyle Xasan Shire Guddoomiyaha Degmada Boocame Ee Gobolka Sool Oo Aan goor Dhaw La Hadlay Ayaa Ii Sheegay In Aysan Jirin Iska Hor Imaad Dhex-maray Ciidamada Maamulka Puntland.

Waxa Daggaallamay Ayuu Guddoomiyuhu Ku Sheegay In Ay Yihiin Kooxo Qaad Walo Ah Iyo Kuwa Jidka U Galay Oo Isku Dayey In Ay Qaadka Xoog Ku Qaataan Taas Oo Ugu Dambeyn Sababtay In Israsaaseyn Dhex-Marto.

Guddoomiye Xeyle Waxa Uu Tilmaamay In Hal Ruux Oo Ku Geeriyooday Is-Rasaaseyntaas Waxa Uuna Intaa Ku Daray In Ninka Geeriyooday Uu Ka Mid Raggii Qaadka Watay.