DHAGEYSO:- Duqayn ka dhacday Qaybo kamid ah Galgaduud

0

Diyaarado aan la aqoon meesha laga leeyahay oo ku duulaya joog hoose ayaa maanta duqayn ka gaystay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Diyaaradahan Jooga Hoose Ku Socda Ayaa Maanta Abaare 10:30 Ee Barqanimo Waxa Ay Duqeyn Ka Geysteen Deegaanka Ardo Oo Qiyaastii 45 Km Dhinaca Bari Kaga Beegana Magaalada Cadaado Ee Xarunta Baarlamanka Gal-mudug.

Qaar ka Mid Ah Dadka deegaanka Oo Aan La hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay In Goobta Diyaaraduhu Duqeyeen Ay aheyd Goob Banaan Ah Oo An La Daganeyn Isla-markaana Aany Jirin Cid Wax ku Noqotay.