SAWIRRO:-Hogaamiyaha jubbaland Oo Kulamo Gooni Ah Ka Bilaabay Garoowe

0

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magalada Garoowe  ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaaladaas  ku qaabilay Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankaas ayaa lagaga wada hadlay Kaalmada Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya iyo mashariicda ay ka wadaan qaybo kamid ah Jubbaland sidii loo dardar galin lahaa kuwo Cusubna loo bilaabi lahaa waxaa kale oo Madaxdu ay ka wada hadleen Arimaha Siyaasada wadanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab  Dowlad Goboleedka Jubbaland ay dhawaan bilowday dagaal ka dhan ah  Al-Shabaab deeganada maamulkaas.