Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Degmada Wadajir Oo Muqdisho Lagu Dilay

0

Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa Xaafad ka tirsan degmada Waaberi  ee Gobolkan Banaadir ay ku dishay Guddoomiye laameed ka tirsanaa Waaxda Timacade ee degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Guddoomiye laameedka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmed Cali Woosh,waxana la sheegay in,isaga iyo qof kale oo la socday lagu dilay Xaafada ansalooti qeybta degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Kaarkiisii Aqoonsiga iyo Bustoolad uu watay ay ka qaateen.

Sidoo kale Guddoomiye laameedka la dilay ayaa ka tirsanaa qeybta Nabadsugida ee Maamulka degmada Wadajir sida naloo xaqiijiyay,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen.