DHAGEYSO:-Maamulka puntland Oo Digniin Amni Soo Saartay Inta Lagu Jiro Xaflada Caleemo Saarka

0

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ’Dowlad’ ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga digtoonaado Qatar amni oo ay geysan karaan dadka kasoo horjeeda maamulkaas oo uu ula jeedo Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Puntland ay leedahay cadaw midabyo kala duwan leh oo dadka ku dhexjira,hayeeshee uu sheegay in Shacabka iyo Ciidamada ay digtoonaadaan Maalinta Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha.