AKHRISO:- Muwaadin Somali-Maraykan Feeray Siyaasi Caan Ah Oo La Xanibay Baasaaboorkiisa

0

Maxkamadda Makadara Law Courts ee magaalladda Nairobi waxay ku gacan-sayrtay in Baasaboorkiisa la siiyo Muwaadin Somali-Maraykan lagu magacaabo Jamaal Maxamed, kaasi oo loo haysto inuu Siyaasi Reer Wajeer oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed horey ugu feeray Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi sannadkii 2017-kii.

Jamaal Maxamed oo shalay la soo taagay Maxkamadda Makadara waxa uu codsaday in la siiyo Baasaboorkiisa, maadaama aan loo oggolayin inuu Aqoonsi la’aan ku dhex socdaalo Nairobi oo beryahan aad loo adkeeyey.

“Waxaan ka codsanayaa Maxkamadda inay sii daayaan Baasaboorkayga, sababo dhinaca Ammaanka ee daqiiqadan ka jirta dalka Kenya” ayuu yiri Eedeysanahaasi oo Codsigiisa u sii mariyey Qareenkiisa oo lagu magacaabo C/raxmaan Warsame.