Madaxweynaha Kenya oo Amar Ku Bixiyay in La Weeraro Al-shabaab

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa amar ku bixiyay in weeraro lagu qaado dagaalyahadda Al-shabaab kadib weerarkii ay ku qaadeen Hoteelka Dusit D2 ee Magaaladda Nairobi ee Kenya.

Uhuru ayaa kulan waqti badan qaatay la yeeshay Saraakiisha Ciidamadda Kenya iyo Gudoomiyayaasha Gobollada kala duwan ee dalkaas,waxaana diiradda lagu saaray dagaalka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in Dowladiisa ay diiradda saari doonto sidii looga guuleysan lahaa dagaalyahanadda Al-shabaab, oo mudooyinkii dambe kordhiyay weeraradda Kenya.
Dhanka kale Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku amray Hay’adaha amaanka in ay kordhiyaan howlgaladda laga sameynayo Magaalooyinka Kenya si loola socda dhaqdhaqaaqa Shabaab.