Howlgal Miino Saaris Ah Oo Laga Sameeyay Gobolka Jubbada Hoose

0

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howgal Miino saaris ah ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Qooqaani iyo nawaaxigiisa ee gobolkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay saaraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in uu sii socon doono howlgalkan inta laga xaqiijinayo amniga deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubbada Hoose.