DHAGEYSO:-Xukuumadda Itoobiya Oo Kulan Ka Yeelaneysa Xaaladda Jigiga

0

Golaha wasiirada xukuumadda Itoobiya ayaa maanta kulan ka yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee ka jirta ismaamulka Soomaalida ee dalkaasi.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xiisada ayaa salka ku heysa arrimo la xariira maamulka , taas oo la sheegay in ay dhexeyso wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar.