DHAGEYSO:-Shacabka Hargeysa Oo Ka Horyimid Muddo Kordhinta Golaha Wakiilada Somaliland

0

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ka aragti dhiibtay muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey golaha wakiilada.

Intooda badan waxa ay sheegeen in aanay raali ka ahayn arrintaasi oo ay kasoo horjeedaan, waxaana ay ku taliyeen in golaha Guurtida qudhooda wax laga bedalo.

Dadka qaar ayaa qaba in arrintan ay tahay un mid lagu doonayo in lagu sii joogo taasina aanay dan u ahayn Somaliland waa sida ay hadalka u dhigeenne.