DHAGEYSO:-Maxay Ka Wada Hadleen Gudoomiye Yariisow Iyo Safiirka Cusub Ee Masar

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ku soo dhaweeyay Danjiraha Cusub ee Dowladda Masar u fadhin doona Dalkeena Soomaaliya ee shalay warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay.

Eng,C.raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo hadal Kooban ka jeediyay Munaasabadda soo dhaweynta Danjire Maxamed Ibraahim Naasir oo ah Safiirka Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Masar ay uga mahad Celinayaan Taageerada ay mar kasta Siiso Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Duqa Muqdisho in Soomaaliya iyo Masar ay taariiskh fog ay leeyihiin,isla markaana Macalimiin Masaari ah hadda wax ka dhigaan iskuulo ku yaalla Muqdisho,sidoo kalena la qorsheynayo  mataaneynta labada Magaalo ee Muqdisho iyo Qaahira.