DHAGEYSO:-Madaxtooyada Somalia oo beenisay in hubkii lagu weeraray Dusit Hotel, Nairobi ay lahayd dowladda Somalia

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay in hubkii lagu weerarray hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ay lahayd dowladda Soomaaliya

La-taliyaha dhinaca amniga madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Maxamed Cali ayaa sheegay inay la xiriireen dowladda Kenya, ayna u caddeysay inay jirin xog ku saabsan hubka lagu weerarray magaalada Nairobi inuu ahaa hub ay lahayd dowladda Soomaaliya.

Sida ay qortay jariirada Daily Nation ee magaalada Nairobi, saddex qori oo ka mida hubkii ay wateen dableydii Alshabaab ee weerarka ku qaaday dhismaha Dusit D2 hotel ee magaalada Nairobi ayaa qoraaladooda tixraaca ay ku qornaayeen &oo ah caalamadda hubka dowladda Soomaaliya.