DHAGEYSO:- Xasan Sheekh “Dalka wuxuu u baahan yahay Qaanuun iyo Shuruuc ee shaqsiyaad gacan adag ku qabta uma baahno”

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa sheegay in dalka oo gacan adag lagu qabto laga dhaxlay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira.

Isagoo ka hadlayay kulan uu Xisbiga uu Hoggaamiyo ee UPD u qabtay oo looga hadlayay Sooyaalka Soomaaliya 100-kii sano ee la soo dhaafay ayuu sheegay in dalka u baahan yahay shuruuc iyo qaanuun kala hagta.

“Dadka qaarkiis ayaa maanta waxay leeyihiin dowlad xoog badan oo gacan adag ku qabato dalka ayaa loo baahan yahay, waxa aan maanta joogno ayaa ka dhaxalnay dowlad dalka gacan adag ku qabato, qaanuun iyo shuruuc ayaan u baahanahay ee shaqsiyaad gacan adag ku qabto uma baahni”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.