AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay Xiisad siyaasadeed oo ka taagan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

0

Khilaaf ayaa soo kala dhex galayo dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka Itoobiya, taasoo dhalisay degenaansho la’aan siyaasadeed oo laga dareemay magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar ayaa labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe ayaa la sheegay inuu la kulmay Madaxda Federaalka Itoobiya, iyagoo ka wada hadlay xiisada u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada iyo arrimo kale.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Mustafe uu la kulmay Golihiisa Wasiirada, isagoo warbixin siiyay.

Sidoo kale waxaa saaka lagu wadaa in shir isugu yimaadaan Golaha Wasiirada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, taasoo looga hadlayo xiisada siyaasadeed.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xilka loo doortay bishii August ee sanadkii 2018 ayaa waxaa soo food saaray caqabado badan oo ku aadan sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka tacadiyada kala kulmay Maamulkii hore ee deegaanka.

Dad badan ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka Itoobiya.