AKHRISO:- Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali Oo Lagu Xiray Turkiga

0

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka qaadeen Hawlgal Guud oo lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Tahriibayaal shisheeye ah.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in hawlgalkaasi laga sameeyey Goballo ku yaalla W/galbeed ee dalkaasi, iyadoo lagu soo qabtay Tahriibayaal si sifo aan sharci ahayn ku soo galay ama kaga sii baxayey dalkaasi.

Hawlgalka ay Ciiddanka Turkiga ka sameeyeen Gobalka Edirne waxay ku soo qabteen 49 Muhaajiriin ka soo kala jeeday Somali, Pakistan iyo Afganistan, kuwaasi oo la socday gaari lagu tahriibinayey.