AKHRISO:- Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0

Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii ku dilay Xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe, waxaa la sheegay in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen, xilli uu ka soo baxayay gurigiisa.

Xilliga la tooganayay ayaa la sheegay inuu watay gaari, waxaana markii dambe kooxdii hubeysneyd ka baxsatay goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aanay suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii ka dambeysay dilka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera.

Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada H/wadaag.