AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay in hubka lagu weeraray Hotel DusitD2 uu ahaa hubkooda

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay wararka sheegaya in hubkii lagu weeraray Hotel DusitD2 ee magaalada Nairobi uu ahaa hub ay soo iibsatay dowladda Soomaaliya oo ay adeegsadeen dableydii weerartay hotelkaas todobaad ka hor.

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas, isagoo xusay in warka ay qortay Wargeyska DailyNation uusan aheyn mid sax ah,

“Anaga iyo dowladda Kenya xiriir ayaa naga dhaxeeyaa waxay noo caddeeyeen hey’adahooda amniga in war sax ah aysan aheyn, marka waxay ila tahay qofka wareysiga bixiyay, wuxuu yiri waxay u muuqataa ama u egtahay, wararka noocaas ahna waa mala awaal iyo qiyaas, waxaa cad dadka meesha weeraray inay u dhasheen Kenya, hubka qof walba waa heli karaa Al-Shabaabna meel kasta ayay joogaan qeyb ka mid ahna waa Kenyan”ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.

Mar la weydiiyay haddii baaritaan sameeyeen wararka sheegaya in saddexda qori ee laga helay Hotelka ay ahaayeen kuwo lahaa calaamaddii dowladda ayuu xusay in baaritaan sameyn karaan marka loo soo diro qoryaha, waxaana uu tilmaamay in qoryaha ay leedahay dowladda ama kuwa ay soo degsatay ay leeyihiin Nambaro, isla markaana la ogaan karo askariga ku qoran iyo meesha uu ka baxay.

Cabdisaciid ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka codsadeen inay u soo gudbiyaan xogta qoryahaas, balse aanay weli si rasmi ah ugu soo gudbin, maadaama ay jiraan meelo ay dowladaha ku wada hadlaan, welina aanay jirin caddeyn cad oo ku saabsan in qorayahaas ka yimaadeen Soomaaliya.

Sida uu daabacay mid kamid ah warbaahinta Kenya DailyNation waxaa ay ciidamada Kenya gacanta ku hayaan shan qori oo ay isticmaalayeen dableydii gudaha u gashay hotelka DusitD2, lana ogaaday in saddex ka mid ah oo laga tirtiray sumada ama lambarka qoriga ay yihiin kuwo la mid ah kuwa ay isticmaalaan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Hase yeeshee labada qori ee kale oo ay wateen dableydii weerartay Nairobi toddobaadkii hore ayaan la xaqiijin halka ay ka heleen ururka Al-Shabaab.