SAWIRRO:-Safiirka Indonesia u soo magacaawday Somalia oo Waraaqaha Aqoonsiga laga guddoomay

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Soehadjono Sastromihardjo, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanka qaabilaadda uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin lahaa xiriirkaas oo dhinacyo badan leh.

Soomaaliya iyo Indonesia waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi aad u qoto dheer oo bilowday qarnigii tobanaad ee miilaadiya, kaasi oo saldhig u ahaa iskaashi iyo ganacsi is dhaafsi.