SAWIRRO:-Madaxweyne laftagareen oo amar dul-dhigay Hay’adaha ka howlgalla K/Galbeed

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Mohamed(Lafta-gareen) ayaa Maanta kulan la qaatey Hay’adaha ka howlgalla deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro ,Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Baay, kan Gobolka Shabeellaha,hoose iyo Gudoomiyaha degmada Baydhabo Iyo Mas’uuliyiinta hay’adaha ka howlgalla Koonfur Galbeed .

Kulanka ayaa mid Warbixin looga dhageysanaayay Hay’adaha Seddaxdii bilood ee la soo dhaafey waxyaabihii u qabsoomey.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Mohamed(lafta-gareen) ayaa uga mahadceliyay hay’adaha dadaalada ay wadaan,waxaana uu ku amrey in Gargaarka ay gaarsiyaan degmooyinka Iyo deeganada Kgs Inteeda kale,isla markaana  aysan ku ekaanin kaliya Magalada Baydhabo.