SAWIRRO:-Ciidamada Jubbaland oo fashiliyay qarax Miino

0

Laamaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay waxyaabha qarxa oo ay sheegeen in lagu aasay meelo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay Miino nooca dhulka lagu aaso ah kasoo saareen deegaanka Qooqaani ee Gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan Goob War ah oo ay Xoolaha Biyaha ka cabaan,sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in hwolgalkaas ay ku fashiliyeen miinada oo la doonayay in la qarxiyo,hayeeshee ma uusan shaacin in holwgalka dad ay kusoo qabteen.