Akhriso:- Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiirada Hirshabelle

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Galabta waxa uu isku-shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa ka kooban 12 Wasiir 14 wasiir kuxigeeno iyo 9 Wasiiru Dowlayaal,waxana xusid mudan in dhammaantood ay yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.