AKHRISO:- Ganacsato lagu xir xiray Jowhar

0

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in lix ka mid ah Ganacsatada Magaaladaas Xalagu xiray Saldhiga Magaladaas.

Ciidamada Nabadsugida Magalada Jowhar ayaa la xaqiijiyay inay xiraan Ganacsatadas oo ka mid ahaa kuwa ka Ganacsada dalagga sisinta oo ka mid ah waxsoo saarka gobolka Shabellaha dhexe.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in sababta Ganacsatada loo xiray ay tahay inay calgi siiyaan Al-Shabaab oo laamaha amniga Magalada Jowhar ay horay digniin uga soo saareen.

Wariyeyaasheena ku sugan Jowhar ayaa waxa ay soo sheegayaan in dadka la xiray ay qeyb ka yihiin Darawalada Gaadiidka waaweyn ee Xamuulka qaada kuwaas iyana loo heysto inay lacago siiyeen Al-Shabaab inta ay ku safrayeen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.