SAWIRRO:-Meydadka Afar Ruux oo Lagu Arkay Magaaladda Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Meydadka afar ruux oo xalay lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in meydadka oo afar ragg ahaa ayaa lasoo dhigay laamiga isku xira Degmadda deyniille ee Gobolka Banaadir iyo degaanka Ceelasha Biyaha .
Meydadka ayaa gacmaha iyo indhaha ka xirnaa waxaana Xabado lagala dhacay qeybaha sare,sida Madaxa iyo Feeraha.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo dilay raggaan iyo dadkii ka dambeeyay.
Dhanka kale Ma’uuliyiinta Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan