SAWIRRO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Aqbalay Dalab Uga Yimid Bulshada Rayidka Koonfur Galbeed

0

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka oo qeyb muhiim ah ka matala Shacabka deegaanadda Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu doonayay In ay kaalintooda Nabadeynta ah qaataan Bulshada Rayidka si loo sii dardar geliyo Howlaha dib u heshiisiinta ah Ee Maalmahanba uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka ah u Joogo magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

Kulanka intii uu Socday ayaa waxaa talooyin ku saabsan qaabka loo gaarsiin karo Bulshada Rayidka howlaha dib u heshiisiinta iyo sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan horumarka Bushada Koonfur-galbeed,waxay la wadaageen Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo Kale Waxay Soo jeediyeen In Dhankooda Ay Qeyb Ka ahaadaan Ayna Ka Codsanaayaan In ay Qeyb Ka Ahaadaan Gudidyadda Ku Howlan Dib U Heshiisiinta Maadaama ay Jiraan Shaqsiyaad Si Wanaagsan uga soo qeyb Qaatay Dib U Heshiisiino Badan Oo Lagu Qabtay degaanada Maamulka Koonfur-galbeed,

Dhageysiga Soo Jeedimaha Ay Soo Gudbiyeen Ka dib Ayuu Gudoomiyahu Ka Hadlay Sida Ay Lagama Maarmaanka U Tahay In Ay Doorkooda Qaataan Bulshada Rayidka Maadaama Ay U dhexeeyaan Shacabka Iyo Madaxda Ama ay U Hadlaan Shacabka.

“Waxaan Aaminsanahay in aad tihiin Dadka Ugu Muhiimsan Oo Loo Baahanyahay In Ay Howlaha Dib U heshiisiinta ah Ka Qeyb Qaataan, Waad Ogtihiin Deegaanadan waxay u baahanyihiin Hormar dhinac walba ah Iyo sidii Bulshada Ay Iskugu Duubnaan Lahaayeen Waa Meesha Kaliya Oo aan Dadka kala Hadli Karno”Ayuu Yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Ayaa Intaasi ku daray in Ururada bulshada rayidka ay ku garab taaganyihiin wax walba oo ay u baahanyihiin si Loo Xaliya Dhibaatooyinka Bulshada Dhexdeeda Haysta.

“waxaan U baahanahay Bulshadaan Inay Hormarkooda ayaga Ay Ka Tashadaan Sidoo Kalena Ay Garab istaagaan Dawladooda “Ayuu Hadalkiisa Ku Soo Gaba gabeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.