DHAGEYSO:-Madaxweynaha K/galbeed Oo Dowladda Kala Hadlay Xarigii Muqtaar Roobow

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa amrkii ugu horeysay ka hadlay rabshadihii ka dhacay Baydhabo iyo xarigii Muqtaar roobow.

Waxa uu kala hadlay dhibaatooyinkii ka dhacay Baydhabo Odayasha Dhaqanka waxaana uu sheegay in la doonayo waxkasta oo dhacay in xal buuxa laga gaaro,isla markaana Shacabka iyo Maamulka ay wada Shaqeeyaan.

Isaga oo ka hadlayay xarigii Muqtaar Roobow oo ka mid ahaa musharixiintii la tartami lahaa ayu sheegay inay iminka socdaan xal u raadinta sidii lagu soo deyn lahaa,waxana Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ka raali geliayay waxyaabihii ka dhacay Baydabo.