Booliska Kenya Oo Soo Bandhigay Sawirada Rag Ay Sheegeen Inay Ku Lug Lahaayeen Weerarkii Nairobi

0

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Boliska dalkaasi ka codsadeen dadweynaha inay taageero ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa 6 nin oo Kenyan ah, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii ay Al-Shabaab Talaadadii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee ku yaalla Bartamaha magaalladda Nairobi.

Boliska Kenya waxay  sheegeen in ragga ay baadi-goobayaan  lagu kala magacaabo:

1- Didu Maxamed Fujija “Duktur”,

2- Xuseen Aadan Xuseen “Etto”

3- Qadaafi Munene,

4- Cabdi Cali Kanjora,

5- Boru Cabdi Bidu

6- Ramadaan Waariyo Bonaya “Rasho”.

Dhinaca kale, Wargeyska The Standard waxa u uka soo xigtay Boliska dalkaasi in raggaasi oo ka soo jeeda magaalladda isiyoolo la sheegay inay Al-Shabaab ku  biireen labo sanno ka hor, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya.