Biyo La’aan Ka Jirta Deegaanka Gariley Ee Gobolka Gedo

0

Biyo la’aan aad u daran ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Garilley oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ku taala xuduudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.

Fuustadii biyo ah ayaa waxay ka mareysaa Garilley lacag dhan $10 dollar, qiimahaasi oo ah kii ugu sarreeyey.

Aar Maxamuud Maxamed oo ah Guddoomiyaha Deegaanka Garilley ayaa sheegay in xaaladda Biyo la’aanta in ay gaartey heerkii ugu adkaa, isagoo sheegay in biyaha qura ee hadda deegaanka laga cabo in ay yahiin kuwo ganacsi oo booyado looga keeno dhinaca degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee NFD.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha ayaa ka codsaday hay’adaha samofalka iyo cid walba oo Soomaaliyeed iney usoo gurmadaan shacabka ku dhaqan deegaanka Garilley.