Al-shabaab oo Weerar Ku Qaaaday mar kale dalka kenya

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday Xarun ay shirkad shiineys ah ku laheyd deegaanka Shimbirleey oo hoos yimaad magaalada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa fuliyay weerarka lagu qaaday Shirkadda Shineeska ee ku taala Magaaladda Gaariisa.

Sidoo kale warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in weerar xooggan ay la kulantay xarunta shirkadda shiineeska ah  ku leedahay deegaanka Shimbirleey,islamarkaana lagu dhaawacay 1-ruux oo shirkadda ku sugnaa.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adda amaanka Dowladda Kenya iyo Al-shabaab oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay magaaladda Gaariisa.