DHAGEYSO+SAWIRRO:-Jubbaland Oo Soo Bandhigtay Waxyaabaha Maanka Dooriya Iyo Dadkii Ka Ganacsanayay

0

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Ksimaayo ayaa waxa ay ku soo qabteen Waxyaabaha maanka dooriya iyo ragii ka ganacsanayay.

Jubbaland ayaa sheegtay in la isku dayay waxyaabaha maanka dooriya in si dhuumaaleysi ah lagu soo galiyo Magaalada Kismaayo,hayeeshee Ciidamada ay ka hortageen.

Xarunta Booliska Jubbaland ee Kismaayo ayaa Maanta lagu soo bandhigay Nin sidey 28 KG oo ah waxyaabaha maanka dooriya,kuwaasi oo la rabay sida Jubbaland ay sheegtay in gudaha loo soo geliyo Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.