SAWIRRO:-Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal maanta ay ka sameeyeen degmada Waajid ee Gobolka Bakool ku soo qabtay saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,sida uu sheegay  Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xooga dalka oo ka hawgala deegaanadaasi Daahir Cali Mahame.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaadkaan gacanta ay ku soo dhigeen ay ahaayeen kuwo shacabka ku dhibaateynayay wadooyinka,islamarkaasina ay ahaayeen madax jabis.

Guud ahaan gobolada dalka waxaa ka socda howgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo dib looga xureynaya deegaanada dalka ay kaga sugan yihiin.

Ciidamada xooga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa wada dadaalo ay uga hortagayaan boobka askareynta ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku haayaan carruurta dhigata dugsiydaa baadiyaha ah iyo kuwa xoolaha raaca.