Dowladda Mareykanka oo Laga Dalbaday in uusan dhimin Ciidamadiisa Ka Howlgala Somaliya

0

Sida lagu daabacay wargeyska The Telegraph oo kaso baxo dalka Britain, Dowladda wadankaas ayaa ku boorineysa dhigeeda Mareykanka inay hakiso qorshaha ay ku yareyneyso shaqaalaheeda Millitary ga ah ee ka howl galo Somalia, kadib markii toddobaadkii hore ay Al Shabaab weerar ku qaadeen hoteel ku yaallo dalka Kenya oo daris la ah Somaliya, sida laga soo xiganayo saraakiisha difaaca reer galbeedka.

Weerarka oo ka dhacay dhismaha hotel-ka Dusit ee magaalada Nairobi ayaa waxa mas’uuliyadiisa sheegtay Al Shabaab, waxaana dhismahaasi ku yiilay baarar maqaayado xafiisyo iyo bankiyo.

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku geeiyootay weerarkas, waxaana dadka ku geeriyooday kamid ahaa mu waadinin u dhashay dalalka Britain iyo America.

Dowladda Mareykanka ayaa ciidamadeedii ugu horeeyey usoo dirtay Somalia muddo haatan laga joogo 12 sano kahor, si ay qeyb kaga noqdaan howlgallada lagu bur burinayo dhinacyadii kasoo horjeeday dowladdii xilligaas ee Somalia.

Dhamaadka bishii December ee sanadkii tagay 2018 ayey dowladda mareykanka ku dhawaaqday in ay dhimeyso tirada Ciidamada ka joogo Somalia oo lagu sheegay 500 oo askari.

Go’aanka uu mareykanku ku dhimayo howlgalladiisa Somalia ayaa daba socday go’aan uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump qaatay isla markaana uu ku sheegay inuu ciidamadiisa kala baxayo Syria.